Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dowladda Turkiga la gashay heshiis ay uga soo iibsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka.
Tani ayaa timid ka dib socdaal uu galinkii dambe ee shalay uu madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ku tagay Sacuudi Carabiya.
Waxaa Erdogan wehelinayay ilaa 200 oo qof oo ah ganacsato sida laga soo xigtay guddiga Turkiga u qaabilsan dhaqaalaha dibadda.
Erdogan ayaa socdaal ku maraya saddex ka mid ah waddamada bariga dhexe.
Kulanka ay yeesheen isaga iyo dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan ayay ku wada saxiixdeen iskaashiyo dhanka tamarta , ganacsiga, maalgashiyada tooska ah iyo difaaca.




