Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ee xerada Jabalia

0
277

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Jabalia ee ku taalla marinka Qaza.
Ugu yaraan 50 qof oo rayid ah ayaa halkaasi lagu dilay waxaana la dhaawacay in ka badan 100 kale.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ku sheegtay in boqortooyadu ay si buuxda uga soo horjeeddo bartilmaameedsiga arxaan darrada ah ee baniaadannimada ka baxsan ee ay Israa’iil ka wado meelaha ay shacabka ku badan yihiin.
Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA oo bayaanka wasaaradda soo xiganaysa ayaa ku warramaysa inay sidoo kale cambaareysay xadgudubka joogtada ee Israa’iil ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ee baniaadannimada.
Sacuudi Carabiya ayaa dhanka kale beesha caalamka ku dhaliishay inay ka gaabisay in Israa’iil lagu cadaadiyo inay oggolaato xabbad joojin sida ku xusan qaraarkii Jimcihii hore uu soo saaray golaha guud ee qaramada midoobay.
Sacuudi Carabiya waxay intaasi ku dartay in xaaladda daran ee baniaadannimo ee ay sababeen duqeymaha Israa’iil aan wax qiil ah loo raadin karin.
Waxay ku celcelisay in loo baahan yahay joojinta dhiigga daadanaya , badbaadinta nolosha shacabka iyo in iyadoo aan laga dib dhicin la joojiyo duullaanka militari.
Waxay intaasi ku dartay in haddii tixgelinta talooyinkan laga gaabiyo in xaaladda ka taagan Qaza ay faraha ka bixi karto oo Israa’iil iyo beesha caalamkuba lagula xisaabtami doono.