Sacuudiga oo ballanqaad u sameeyay Kenya

0
275

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay Kenya u adeegsan doonto madal ay ku ballaarinaysa maalgashigeeda qaaradda Afrika.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Kenya ay tahay tiirka xasiloonida iyo kobaca Afrika.
Waxaa uu Kenya ku tilmaamay waddan mustaqbal ifaya leh oo ay tahay inay fiiro gaar oo maalgelineed u yeeshaan.
Dhaxal-sugaha waxaa uu xusay in Sacuudiga ay ka go’an tahay inay kenya ku sameysato maalgashiyo badan .
Waxaa uu tilmaamay in si gaar ah diiradda loo saari doono tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa arrinkan uga hadlay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee boqor Cabdul Caziiz ee magaalada Riyadh halkaas oo uu wada hadal kula yeeshay Madaxweynaha dalka William Ruto.
Madaxweynaha dalka ayaa dhankiisa sheegay in Afrika ay horumar ka sameysay dhanka kobaca dhaqaalaha, iskaashiga gobolka iyo dimuqraadiyeynta.
Si kastaba ha ahaatee,madaxweyne Ruto waxa uu ka qoomameeyay in nabadgelyo-xumada, rabshadaha iyo argagixisannimada ay khatar ku yihiin inay hoos u dhigaan horumarka.
Madaxweyne Ruto waxaa uu ku baaqay wada shaqayn dheeraad ah oo ka timaada caalamka si loo xakameeyo dhibaatooyinka jira.
Dhankiisa, Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamad Bin Salman ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in Sacuudiga uu kala shaqeyn doono Kenya sidii sare loogu qaadi lahaa xasilloonida gobolka.