Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Pakistan Ishaq Dar ayaa maanta sheegay inay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka heleen taageero dhaqaale oo dhan 2 bilyan oo doolar.
Wasiirka maaliyadda ee Pakistan ayaa Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay lacagta ay ugu deeqday dalkaasi.
Tani ayaa ku soo aadaysa hal maalin ka hor inta guddiga maamulo sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF uunan ansixin in Pakistan la siinaya amaah dhan 3 bilyan oo doolar iyo in kale.




