Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo maxaabiis is dhaafsaday

0
305

Waxaa lagu soo warramayaa in dhinacyada isku haya dagaalka Yemen ay is dhaafsadeen ku dhawaad 900 oo maxaabiis ah.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid kalsooni abuuraysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan wada hadallada nabadeed ee u dhexeya Danjiraha Sacuudiga ee Yemen iyo madaxda kooxda Xuutiyiinta.
Guddiga caalamiga ee laanqayrta cas ee (ICRC) oo isku duba ridaya is dhaafsiga maxaabiista ayaa maanta sheegay in diyaaradihiisa ay maxaabiista la soo siidaayay kala geyn doonaan 6 magaalo oo ku kala yaalla Yemen iyo Sacuudiga.
Agaasimaha ICRC ee bariga dhexe Fabrizio Carboni ayaa sheegay in tallaabadan ay dib u mideyn doonto boqolaal qoys oo ay colaadda Yemen kala gaysay.
Sidoo kale waxaa uu raja wanaagsan ka muujiyay in tani ay horseedi doonto xal siyaasadeed oo waara.
Bishii hore ayay ahayd markii kooxaha ku dagaallamaya Yemen ee Xuutiyiinta oo ka soo horjeeda dowladda dalkaasi iyo isbeheysiga militari ee uu hoggaaminaya Sacuudiga oo dhinac ah ay wadanka Switzerland ku gaareen heshiis ah in la siidaayo maxaabiis dhan 887.
Sidoo kale waxay dhinacyada kulmi doonaan bisha Shanaad ee sanadkan si wada hadallada ay u soo socdaan.
Waxaa heshiiska garwadeen ka ahaa ergeyga qaramada midoobay ee Yemen Hans Grundberg iyo guddiga caalamiga ee laanqayrta cas ee ICRC.
Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa rajeynaya in heshiiska uu fududeeyo in maxaabiista weli xiran la soo daayo tobanka cishe ee ay socdaan wada hadallada.