Waxaa lagu soo warramayaa in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dib u wanaajisay xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeya dowladda Lubnaan.
Sacuudi Carabiya iyo Kuwait ayaa safiiradooda dib ugu celiyay magaalada Beirut.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu xumaaday xiriirka Lubnaan iyo qaar ka mid ah waddamada bariga dhexe.
Tallaabadaasi ayaa waxaa horseedday dhaliil ay dowladda Lubnaan u jeedisay howlgalka militari ee uu Sacuudiga hoggaaminaya ee ka socdo gudaha wadanka Yemen.