Sacuudiga iyo Faransiiska oo ka wada hadlay wanaajinta xiriirkooda

0
578

Waxaa khadka taleefoonka ku wada xiriiray Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan iyo madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron.
Wakaaladda rasmiga ee wararka Sacuudiga ee SPA ayaa qortay in wada hadalka labada mas’uul uu ku saabsanaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya.
Sidoo kale , Maxamad Bin Salmaan iyo Emmanuel Macron ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka iyo caalamka.
Waxay isla soo hadal qaadeen dadaallada lagu doonaya haleelidda nabadgalyada iyo xasillooni waarta.