Wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ayaa sheegtay inay ku howlan tahay soo bandhigidda qorsho lagu kordhinaya tirada saacadaha shacabka loogu adeego xarumaha Huduma.
Qorshahan ayaa la filayaa in la soo saaro 100-ka cisho ee nagu soo aaddan gudahooda.
Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha Aisha Jumwa ayaa hoosta ka xarriiqday in howlwadeennada xarumahan ay xilliyo kala duwan shaqeyn doonaan.
Huduma oo xarumo ku leh ismaamullada wadanka ayaa laga helaa adeegyada aasaasiga iyo dokumeentiyada muhiimka ah.
18 ka mid ah xarumahan oo ay ka mid tahay midda ku taalla bartamaha caasimadda Kenya ee Nairobi ee loo yaqaano GPO Huduma ayaa dadweyanaha loogu adeegi doonaa laga billaabo 7-da subaxnimo ilaa 7-da fiidnimo ka hor inta aan kuwa kale isbeddelkan laga hirgelin.
Aisha Jumwa ayaa sheegtay in guud ahaan dalka ay ka jiraan 52 ah xarumaha Huduma hasa ahaate aynan ku filnayn haqabtirka baahiyaha dhanka adeegyada dadweynaha ee sii kordhaya.
Jumwa ayaa arrintan ka hadashay xilli ay shalay tagtay xarunta dhexe ee Huduma ee Nairobi.
Dhanka kale xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda adeegga dadweynaha Mary Kimonye ayaa sheegtay in xarunta dhexe ee Huduma ee magaalada Nairobi ay yaallaan 33,000 oo ah aqoonsiyo qaran , 8, 000 oo ah shahaadooyinka dhalashada iyo 3,200 oo ah leesimada casriga kuwaasoo aan weli la soo qaadan.
Cabinet Secretary @CSAishaJumwa this morning visited @HudumaKenya where she was apprised of the Huduma Kenya Service Delivery Programme. Afterwards, she visited GPO Huduma Centre for an inspection tour. More👇🏾https://t.co/FJbM0mJSCV pic.twitter.com/itS2JOMpwL
— Ministry of Public Service and Gender (@PSYGKenya) October 31, 2022




