Saacadaha ay shaqeeyaan xarumaha Huduma oo la kordhiyay

0
336

Dowladda dhexe ayaa kordhisay saacadaha dadweynaha loogu adeego xarumaha laga helo adeegyada aasaasiga ee loo yaqaano Huduma Centers.
Goobahan ayaa furnaan doono inta u dhexeysa 7-da subaxnimo ilaa 7-da fiidnimo.
Waxaa ay horay shaqeyn jireen laga billaabo 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Isbeddelkan ayaa dhaqan galay shalay oo Isniin ahayd.
31-dii bishii Tobnaad ee sanadkan ayay ahayd markii wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Aisha Jumwa ay ballan qaaday inay kordhin doonto saacadaha ay dadweynaha adeegyada ka helaan xarumahan si loo fududeeyo ciriiriga jira.
Dowladda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in isbeddelkan cusub uu ka dhaqan galay 18 xarumood oo ka mid ah kuwa Huduma.
Waxaa ay kala yihiin xarunta dhexe ee ismaamulka Nairobi-GPO, City Square, Makadara, Kibra, Eastleigh, Kiambu, Thika, Nakuru, Eldoret, Nyeri, Embu, Meru, Laikipia, Kisii, Kitale, Kericho, Kakamega, Kisumu iyo Mombasa.
Adeegyada la bixin doono saacadaha lagu daray kuwii hore waxaa ka mid ah warqadda qofka la siiyo marka uu ka lumo aqoonsiga qaran ee Police abstract, shahaadooyinka dhalasho iyo kuwa dhimashada , shahaadaha hab-dhaqan wanaagga,karka caymiska caafimaad ee NHIF, dokumeentiga maamulka canshuuraha ee KRA, midda howlgabka ee NSSF, shahaadada amaahda waxbarasho ee HELB, midda maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA iyo dhammaan adeegyada dowladda ee online-ka ah.
Sidoo kale qaybta xarumahan ee ay dadweynaha la soo xiriiraan ayaa shaqeyn doonto inta u dhexeysa 7-da subaxnimo ilaa 9-ka fiidnimo.
Isbeddelkan cusub ayaa looga gol-leeyahay in maalinkii loo adeego ugu yaraan 2,000 oo macaamiil ah halka tiradan ay horay ahayd 1,000.