Rwanda oo ciidamada DRC ku eedeysay weerar laga gaystay xadka dalalkaasi

0
291

Dowladda Rwanda ayaa ciidamada difaaca ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerar laga fuliyay xadka ay wadagaan labada waddan.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada difaaca ee Rwanda ay sheegeen in iyaga iyo dhigooda DRC ay rasaas is waydaarsadeen.
Xukuumadda Kigali ayaa bayaan ku sheegtay in 12 ilaa 14 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Congo inay gudaha u galeen aag militariga ka caaggan oo u dhow degmada galbeed ee Rusizi iyagoo rasaas ku furay saldhigga xadka Rwanda.
Bayaanka waxaa qayb ka ah in falkaasi uu ahaa mid daandaansi ah balse ciidamada Rwanda ay iska caabbin sameeyeen taasoo sababtay in saraakiisha Congo ay halkaasi iskaga baxaan.
Rwanda ayaan caddeyn wax khasaare ah oo ka dhashay is rasaaseynta waxayna sheegtay in hadda ay xaaladdu deggan tahay.
Hasa ahaate dowladda DRC ayaa dhankeeda beenisay in ciidamadeeda ay tageen goobtaasi.
Waxay intaasi ku dartay in isku dhaca la soo tabiyay uu u dhexeyay ciidamada militariga iyo koox burcad ah meel u dhow xadka Bukavu.