Rw Rooble oo shaqada ka joojiyay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

0
458

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa maanta shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha dibadda Dowlada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ka dib markii uu fasaxay Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo lagu xayiray dalka Cummaan.
Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax kama jiraan looga soo qaday go’aankii uu wasiir Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu baal marsan yahay shuruucda Soomaliya iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hay’adaha amniga faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan , ka dibna ay la wadaagaan hay’adaha garsoorka Soomaaliya.