Rw Rooble oo ka hadlay dilka Ikraan Tahliil

0
427

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay warbixintii hay’adda NISA ee tibaaxaysay in Ikraan Tahliil ay dileen ururka Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in warbxinta Hay’adda Nabad-sugidda aysan ahayn mid faah-faahin lagu qanci karo bixinaysa.
Waxaa uu sheegay in 48 saacadood kadib uu ku go’aan qaadanayo xogta uu soo gudbiyo agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Waxaa isa soo tarayay cadaadiska Ra’iisul Wasaaraha ka haystay kiiska Ikraan, iyadoo loogu baaqay inuu xilka ka qaado saraakiisha sare ee NISA.