Ruushka ayaa billaabay inuu weerarro dalka Ukraine, waxaana durba billowday hadallada ay tallaabadaas uga fal celinayaan madaxda waddamada reer galbeedka.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa beenisay in militerigooda ay weerarro la beegsanayaan magaalooyinka Ukraine – iyadoo sheegtay in taas beddelkeeda ay bartilmaameedsanayaan xarumaha militeriga, saldhigyada difaaca hawada iyo kuwa ciidamada cirka.
Warka kasoo baxay wasaaradda oo ay shaacisay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA ayaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka ay weerarkan u adeegsanayaan hub aad casri u ah oo meesha loogu talogalay si toos ah u abbaaraya.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa xaqiijiyay wararka ku saabsan in gantaallo lala dhacay waddankiisa, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxaa uu intaasi ku daray in Ruushka ay madaafiic ku garaaceen kaabayaasha Ukraine iyo xarumaha ciidamada ilaallada xuduudda.
Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Antonio Guterres ayaa ku boorriyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu joojiyo ciidamaddiisa weerarka ku ah Ukraine.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay ka dib markii labada gobol ee gooni u goosadka ee ka go’ay bariga Ukraine ee uu Ruushka taageerro ay garab ka codsadeen xukuumadda Moscow.