Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay dowladda Ruushka ka gaysatay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
Weerarka oo gantaal loo adeegsaday ayaa lagu bartilmaameedsaday degmada Podolsk waxaana ku nafwaayay hal qof.
Waxaa falkaasi ka dib gudbtay bakhaar halkaasi ku yaalla.
Qofka labaad ayaa dhintay ka dib markii ay gubteen labo dhisme oo la deggan yahay oo ku yaalla degmada Solomyan oo la duqeeyay.
Qofka saddexaad ee la dilay ayaa lagu sheegay haweeney 86 sano jir ah in kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin halka ay ku dhimatay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dib loo soo celiyay adeegga korontada ee qaybo ka mid ah magaalada Kyiv oo ay saameyn ka soo gaartay duqeynta.