Ruushka oo weerar culus ku qaaday Kyiv

0
357

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushku uu 315 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo toddobo gantaal ku garaaceen dalkiisa xalay, isagoo ugu baaqay Maraykanka inuu isticmaalo “awoodda uu Ruushka ugu qasbi karo nabadda”.
Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in bartilmaameedka ugu weyn ee weerarka uu ahaa caasimadda Kyiv, iyagoo intaas ku daray in 284 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo dhammaan gantaallada la qabtay.
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday magaalada xeebta ku taalla ee Odesa, sida uu sheegay duqa magaalada Gennadiy Trukhanov.
Mas’uuliyiintu Ruushka ayaa dhankooda sheegeen in dhammaan garoomada diyaaradaha ee u adeegaya Moscow iyo St Petersburg si ku meel gaar ah loo xiray, sababo la xiriira weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine oo aan geysan wax khasaare ah.