Ruushka oo ugu yaraan 5 qof ku dilay Ukraine

0
412

In ka badan 5 qof ayaa lagu dilay magaalada Pokrovsk ee ku taalla bariga dalka Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii Ruushka uu labo gantaal ku garaacay magaaladaasi.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah afar carruur ah.
Ilaa 41 ruux oo dheeraad ah ayaa weerarradaasi lagu dhaawacay.
Sidoo kale waxaa la burburiyay 6 baabuur iyo 16 guriyo ah.
Guddoomiyaha gobolka bari ee Ukraine Vadym Filashkin oo xaqiijiyay duqeymaha iyo khasaaraha ka dhashay ayaa weerarrada ku tilmaamay kuwii ugu waynaa ee dhawaan lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah.
Madaxweynaha dalka Ukraine,Volodymyr Zelenskyy ayaa khudbad uu xalay jeediyay ku sheegay in ay sida ku habboon uga falcelin doonaan duqeymaha Ruushka ee magaalada Pokrovsk.