Ruushka oo ugu yaraan 2 qof ku dhaawacay Ukraine

0
266

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in Ruushka uu weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn uu ku bartilmaameedsaday gobolka ay ka tirsan tahay magaalada Odesa ee Ukraine.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan labo ruux.
Duqeynta ayaa lala eegtay kaabayaasha dekadda webiga Danube.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda ay hadda sidii caadiga ahayd ku soo laabatay ka dib ciriiri muddo kooban saameeyay isku socodka buundada Ruushka iyo gobolka Crimea ee uu sanadkii 2014-kii ka goostay dhul-weynaha Ukraine.
Howlaha isku socodka gaadiidka iyo shacabka oo aroornimadii hore ee maanta la hakiyay ayaa hadda dib u billowday.