Ruushka oo u hambalyeeyay William Ruto

0
430

Dowladda Ruushka ayaa farriin hambalyo ah u dirtay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.
Safaaradda dowladda Ruushka ee magaalada Nairobi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay rajeynayaan in la horumariyo iskaashi dhammaystiran oo labada dhinacba faa’iido u leh.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in dowladda Ruushka ay ku kalsoon tahay in xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo dadkooda la sii xoojin doono.
Safaaradda ayaa shacabka kenyaanka ah ku bogaadisay inay si nabad ah uga qayb qaateen doorashadii guud ee qabsoontay 9-kii bishan.