Ruushka oo sheegaya inuu maamulo boqolkiiba 97 ee gobolka Luhansk

0
537

Waxaa marba marka ka sii dambeysa sii xoogeysanaya howlgallada militari ee ay dowladda Ruushka ka wado gudaha dalka Ukraine.
Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow Sergei Shoigu ayaa sheegay inay hadda gacanta ku hayaan boqolkiiba 97 ee deegaannada gobolka Luhansk .
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada difaaca ee Ruushka ay “xoreeyeen” goobo la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Severodonetsk.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu wargeys laga leeyahay Ingiriiska u sheegay in dagaalka kala dhexeya Ruushka uunan xal ahayn.
Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Ukraine ayaa la soo xigtay in 600 oo ka mid ah ciidamada wadankaasi uu qafaashay Ruushka uuna ku jirdilay gobolka koonfureed ee Kherson.
Wakaaladda wararka ee TASS oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Ruushka ayaa ku warramaysa in ugu yaraan1,000 sarkaal oo u dhashay Ukraine kuwaasoo isku soo dhiibay magaalada Mariupol in loo qaaday dhanka Ruushka si baaritaano loogu sameeyo.