Ruushka oo sheegay inuunan aqoonsanayn ICC

0
323

Afhayeenka dowladda Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in xukuumadda Moscow aynan aqoonsanayn sharciyadda maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Waxaa sidatan qortay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS oo soo xiganaysa mas’uulkan.
Peskov ayaa ka jawaabayay su’aal ahayd in dacwad oogaha guud ee ICC la filayo inuu warqadaha lagu soo xiraya u jaro dhowr qof oo u dhashay Ruushka uu ku eedeysan inay carruur afduubteen iyo bartilmaameedsiga kaabayaasha muhiimka ee Ukraine.