Ruushka oo sheegay inuu soo riday 3 ka mid ah diyaaradaha Ukraine

0
254

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in la soo riday ugu yaraan saddex ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay dowladda Ukraine isku dayday inay ku weerarto Moscow.
Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in hannaanka difaaca hawada sare ee Ruushka uu labo diyaaradood ku soo riday gobolka Kaluga halka midda saddexaad lagu burburiyay Tver oo xad la wadaagta magaalada Moscow.
Duqa magaala madaxda Ruushka , Sergei Sobyanin ayaa laga soo xigtay inaynan jirin waxyeello ka dhalatay howlgalka diyaaradaha Ukraine lagu burburiyay.