Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegaya inuu jiro hor u socod dhanka wada hadallada nabadeed ee ay la yeelanayaan dowladda Ukraine.
Waxaa uu sheegay in xukuumadda Moscow ay isku diyaarinayso ka jawaabidda soo jeedinnada Ukraine ay ku soo bandhigtay magaalada Istanbul.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in wada hadallada labada dhinac ay sii socdaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 37 cisho ay ka soo wareegatay duullaankii militari ee Ruushku uu 24-kii bishii labaad ee sanadkan uu ku qaaday Ukraine.