Ruushka oo sababeeyay duullaankiisa Ukraine

0
388

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in sababaha ay u weerarayaan Ukraine ay ka mid tahay in dowladda dalkaasi laga hor istaago inay ku biirto gaashaanbuurta NATO.
Lavrov ayaa telefishinka dowladda Ruushka u sheegay in ciidamadooda difaaca ay bartilmaameedsanayaan xarumaha militari ee Ukraine.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in quwadaha reer galbeedka ay ka war qabeen tabashooyinka xukuumadda Moscow oo ayna tahay inay xalliyaan mar ay ahaataba.
Sergey Lavrov ayaa xayiraadaha lagu soo rogay Ruushka ka dib markii uu weeraray dalka Ukraine ku tilmaamay canshuur la saaray madax bannaanida.