Ruushka oo meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriira dilka Prigozhin

0
237

Aqalka dalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee sheegaya in xukuumadda Moscow ay amartay dilka madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee Yevgeny Prigozhin.
Maamulka Ruushka ayaa arrinkan been abuur ku tilmaamay.
Hoggaamiyahan ayaa la sheegay inuu ku dhintay shil diyaaradeed.
Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee boqorotooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in inkastoo aysan jirin caddeymo sugan oo sheegaya in madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin uu la socday diyaaradda burburtay, haddana loo badinaya inuu dhintay.