Ruushka oo markii ugu horreysay qirtay in ciidamo looga dilay gudaha Ukraine

0
352

Ciidamada Ruushka ayaa markii ugu horreysay qirtay inay jiraan askar ka tirsan ciidamadooda oo gudaha Ukraine looga dilay sidoo kale laga dhaawacay.
Hasa ahaate maynan caddeyn tirada ka dhimatay ama laga dhaawacay.
Afhayeenka ciidamada Moscow Igor Konashenkov ayaa xusay in ciidamadooda duullaanka qaaday ay muujinayaan geesinimo iyagoo fulinaya howlaha dagaalka ee gaarka ah.