Ruushka oo mamnuucay in shidaal laga iibiyo reer galbeedka

0
428

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa soo saaray digreeto madaxweyne oo mamnuucaysa in badeecooyinka shidaalka laga iibiyo waddamada iyo shirkadaha u hoggaansamay heshiis ay gaareen dalalka reer galbeedka.
Heshiiskaasi oo looga falcelinayay duullaanka militari ee uu Ruushku ku hayo Ukraine ayaa lagu dhimay qiimaha shidaalka.
Go’aanka ka soo baxay xukuumadda Moscow oo lagu tilmaamay falcelin muddo la sugayay ayaa dhaqangeli doono laga billaabo 1-da bisha Labaad ee sanadka 2023-ka.
Waxaa uu shaqeyn doonaa muddo shan bilood ah.
Digreetada madaxweynaha Ruushka waxaa ku cad in xayiraaddan la qaadi karo iyadoo lagu saleynaya xaalado iyo go’aamo gaar ah.