Guddoomiyaha gobolka Kherson ee dalka Ukraine
Oleksandr Proudkin ayaa sheegay in weerar ay ciidamada Ruushka ka fuliyeen gobolkaasi lagu dilay ugu yaraan labo qof.
Weerarka oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday shirkad gaadiid ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr ruux oo kale.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dadka la dilay uu ka mid ahaa qof 55 sano jir ah oo isla goobta ku dhintay halka 43 sano jir kale uu u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray.
Tirada dhaawaca ee isbitaalka la dhigay ayaa ah 5 qof.