Ruushka oo ka falcelinaya xayiraadaha Midowga Yurub

0
615

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay ka falcelin doonto cunaqabateyn uu ku soo rogay Midowga Yurub.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Moscow oo lagu magacaabo Nikolai Kobrinets ayaa wakaaladda wararka ee RIA u sheegay inay qaadayaan tallaabooyin jawaab u ah xayiraadda EU-da.
Xayiraadda oo uu ku tilmaamay mid aan laga fiirsan ayuu xusay inay saameynayso nolosha maalinlaha ee dadka ku nool qaaradda Yurub.