Ruushka oo in ka badan 18 qof ku dilay gudaha Ukraine

0
206

Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeymo ay ciidamada dowladda Ruushka ka gaysteen magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine.
Waxaa sidatan shaaca ka qaaday madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Waxaa uu intaasi ku daray in duqeymaha Ruushka ay ku dhaawacmeen 130 qof.
Zelenskyy ayaa sheegay in in ka badan 200 oo goobood ay Ruushka gaantaallo ku garaaceen oo ay ku jiraan 139 guri oo la deganaa.
Waxaa uu ballaanqaaday in weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushak ay jawaab adag ka bixi doonaan.