Ugu yaraan 11 qof oo ay ka mid yihiin shan shacab ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo uu Ruushka ka gaystay Waqooyiga Galbeed ee Syria.
Hay’adda SOHR oo dabagal ku sameysa arrimaha baniaadannimo ee gudaha Syria ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Weerarrada ayaa lagu sheegay kuwo looga aargoosanayay weerarro kale oo kooxaha fallaagada ee Syria ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Madaxa hay’adda SOHR, Rami Abdel Rahman ayaa sheegay in duqeymaha oo ka dhacay magaalada Jisr al-Shughur oo ka tirsan gobolka Idlib ay ciidamada Ruushka ee garabka siinaya dowladda madaxweyne Bashar Al-Assad uga falcelinayeen weerar ay koox fallaago ah toddbaad gudihiisa ku dishay afar qof oo rayid oo labo ka mid ah ay ahaayeen carruur.
Ugu yaraan 30 qof oo shacab ah ayaa weerarrada maanta ku dhaawacmay iyadoo ay suuragal tahay in khasaaraha uu sii kordho.