Ruushka oo gantaallo ku weeraray magaalooyin ku yaalla Ukraine

0
260

Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Ruushka ay gantaallo ku garaacday magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla wadanka Ukraine.
Meelaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Kyiv ,Odesa iyo magaalada dhacda Waqooyiga Bari ee Ukraine ee Kharkiv.
Waxaa weerarradan warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan dowladda Ukraine.
Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in qarax laga soo tabiyay degmada Holosiivskyi oo dhanka koonfureed uga beegan caasimadda wadankaasi.
Guddoomiyaha gobolka Kharkiv, Oleh Syniehubov ayaa dhankiisa laga soo xigtay in halkaasi lala eegtay ilaa 15 gantaallo ah.