Ruushka oo duqeymo ka gaystay magaalada Kyiv

0
241

Waxaa lagu soo warramaya in xalay dowladda Ruushka ay duqeymo dhanka cirka ah ku bartilmaameedsatay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv saacado un ka hor inta uunan billaaban shirka gaashaanbuurta NATO ee ka qabsoomaya wadanka Lithuania.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya khatarrada ka imaanaya xukuumadda Moscow.
Waxaa weerarka la gaystay xaqiijiyay ciidamada militariga ee Ukraine.
Taliye militari oo lagu magacaabo Serhiy Popko, ayaa qoraal uu soo dhigay barta Telegram-ka ku sheegay in Ruushka uu markii labaad bishan gudaheeda weerar dhanka cirka ah uu ku qaaday Ukraine.
Popko ayaa intaasi ku daray in hannaanka difaaca hawada sare ee Ukraine uu soo riday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu Ruushku adeegsanayay ka hor inta aynan gaarin halkii lagu bartilmaameedsanayay .
Sidoo kale ma jirto faahfaahin waqti xaadirkan laga haya khasaaraha nafeed ama burburka ka dhashay falkaasi.