Ruushka oo duqeymo ka gaystay caasimadda Ukraine

0
290

Duqeymo culus ayaa gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla wadanka Ukraine sida laga soo xigtay warbaahinta dowladdaasi.
Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah caasimadda wadanka Ukraine ee Kyiv iyo magaalooyinka Dnipro, Lviv, Ternopil iyo degaano kale.
Ruushka ayaa ku eedeyay dowladda Ukraine inay ka dambeysay qaraxyo lagu bartilmameedsaday buundada ugu wayn ee isku xirta Ruushka iyo gobalka Crimea, taas oo la rumeysan yahay in xukuumadda Moscow jawaab celin uga dhigeyso qaraxyadan.
Idaacadda ku hadasha afka dowladda Ukraine, oo soo xiganeysa kooxaha gurmadaka degdega ah ee ayaa xaqiijisay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaydan.
Hasa ahaate ma aysan bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha.