Dowladda Ruushka ayaa ka soo horjeedsatay tallaabo ay ku heshiiyeen xubnaha Midowga Yurub oo ah in qiimaha shidaalka laga dhimo 60 doolar.
Waxaa arrintan ku dhaqaaqay Ukraine iyo saaxiibadeeda reer galbeedka.
Hasa ahaate xukuumadda Moscow oo aan go’aankan ku qancin ayaa soo saartay digniin ah inay ka falcelin doonto.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhankiisa sheegay in yareynta qiimaha shidaalka Ruushka uunan culeys ku ahayn dowladda dalkaasi .
Waxaa uu intaasi ku daray in xukuumadda Kyiv ay weli doonaysa in qiimahan hoos loo sii dhigo.