Waxaa sii xoogeysanaya duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka ka wado magaalada Severodonetsk oo ku taalla bariga dalka Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow ay sheegatay in ciidamadeeda ay gebi ahaanba la wareegeen magaalada Lyman ee gobolka Donetsk.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo xalay xilli dambe khudbad jeediyay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladiisa ay dalalka saaxiibada la ah ka heli doonto taageero dhanka hubka oo dheeraad ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu toddobaadkan filaya war lagu farxo sida uu hadalka u dhigay.