Dowladda Ruushka ayaa ciidamada militariga ee ka howlgalo magaalada Mariupol ee dalka Ukraine u qabatay ugu dambeyn 6-da aroornimo ee saacadda dalkaasi si ay isku soo dhiibaan.
Saraakiisha ayaa laga dalbaday in marka xilligaasi la gaaro ay hubka dhigaan si ay noloshooda u badbaadiyaan.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS oo soo xiganaysa taliyaha xarunta qaran ee maareynta difaaca Ruushka Mikhail Mizintsev.
Ruushka ayaa sheegaya in ciidamada weli kula dagaallamaya gudaha magaalada Mariupol ay isugu jiraan kuwo u dhashay Ukraine iyo ajaaniib kale.