Ruushka oo cafis u fidinaya maxaabiista Ukraine haddii ay dagaalka ku biiraan

0
296

Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Ruushka ayaa ansixiyay xeer dhigaya in maxaabiista laga qabsaday Ukraine cafis loo fidinaya haddii ay is iskood ah ugu biiraan ciidamada dagaalka ku jiro ee xukuumadda Moscow.
Tani ayaa lagu tilmaamay tallaabo lagu kordhinaya tirada ciidamada Ruushka ee ku sugan gudaha wadankaasi.
Waxay arrintan ku soo aadaysa iyadoo lagu guda jiro marxaladii koowaad ee howlgallada iska caabinta ah ee ay wadaan saraakiisha difaaca ee Ukraine.