Ruushka oo beeniyay inuu bartilmaameedsado shacabka Ukraine

0
280

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka , Sergey Lavrov ayaa beeniyay eedeynta loo jeedinaya xukuumadda Moscow ee ah in ciidamadeeda amniga ay bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah ee Ukraine.
Waxaa uu wasiirka carrabka ku adkeeyay in Ruushka uu keliya bartilmaameedsado kaabayaasha militari.
Arrintan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.
Waxaa uu dhanka kale Lavrov ku eedeyay dowladda Ukraine inay ciidamo badan iyo hub culus gaysay dugsiyo iyo dhismooyinka la deggan yahay.
Xeeladahan ayuu ku tilmaamay dembiyo dagaal.
Ukraine iyo saaxiibadeeda reer galbeedka ayaa dhowr mar xukuumadda Moscow ugu eedeyay bartilmaameedsiga shacabka iyo kaabayaasha rayidka sida isbitaallada, guriyaha, dugsiyada iyo xarumaha korontada.
Dhanka kale hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ciidamada militari ee dowladda Ukraine ku eedeysay inay adeegsanayaan miinooyinka dhulka lagu aaso oo la mamnuucay.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay inay hayso caddeymo cusub oo loo cuskan karo qaabka bambooyinkan ay Ukraine ugu adeegsato si aan kala sooc lahayn.