Ruushka oo beenisay inay dembiyo dagaal ka gaysatay Ukraine

0
256

Dowladda Ruushka ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Ukraine oo ahayd inay dembiyo dagaal ka gaysatay waqooyiga bari ee wadankaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Kyiv ay sheegtay inay aragtay xabaal wadareed lagu aasay maydad gaaraya 400 oo ay rumeysan tahay inay yihiin dad ay dileen ciidamada qalabka sida ee dowladda Ruushka.
Hasa ahaate afhayeen u hadlay xukuumadda Moscow oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa warfidiyeenka u sheegay in lagu been abuurtay .