Ruushka oo ay dagaalka Ukraine uga dhinteen in ka badan 32,000 oo sarkaal

0
427

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in tan iyo markii dowladda Ruushka ay wadankaasi duullaan militari ku qaadday laga dilay ugu yaraan 32,000 oo askari.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha xukuumadda Moscow uu ahaa inay bishii Shanaad ee sanadkan gacanta ku dhigaan gobolka Donbas taasoo ilaa iyo hadda aysan ku guulaysan.
Zelenskyy ayaa sidoo kale laga soo xigtay in dagaal culus uu weli ka socdo waddooyinka magaalada Severodonetsk.
Mas’uulkan ayaa dhanka kale bogaadiyay ciidamada difaaca ee Ukraine oo uu sheegay inay iska caabbiyeen weerarrada Ruushka.
Duullaanka militari ee 24-kii bishii Labaad ee sanadkan ka billowday gudaha Ukraine ayaan ilaa iyo hadda la soo afjarin.