Guddoomiye goboleed lagu magacaabo Oleh Synehubov ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn ciidamada Ruushka ay ka gaysteen magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine lagu dilay labo qof.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay 19 qof oo dheeraad ah.
Guddoomiyaha waxaa uu intaasi ku daray in afar ka mid ah dhaawaca ay xaaladooda caafimaad liidato.
Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa sheegaysa in 15,000 oo ka mid ah saraakiisha ammaanka ee Ruushka la dilay tan iyo markii xukuumadda Moscow ay ku duushay Ukraine.
Dhanka kale dibloomaasiiyiinta Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay Ruushka ku soo rogaan wareegii toddobaad ee xayiraadaha.