Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa isdhaafsaday 100 maxaabiis ah oo u kala xirnaa.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda isu tagga imaaraadka Carabta ay kala dhexdexaadisay labada dhinac.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee UAE-da ayaa bayaan ku sheegtay in dhexdexaadintan ay ahayd midii saddexaad laga soo billaabo bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Wasaaradda ayaa is dhaafsashada maxaabiista guul ku tilmaantay waxayna xukuumadaha Moscow iyo Kyiv ku boorrisay inay wada hadlaan oo ay xiisadda dejiyaan.
Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy oo arrintan soo dhaweeyay ayaa sheegay in wadankiisa uu sameynaya dadaal kasta oo ay ku sii soconaysa iswaydaarsiga maxaabiista.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in imaaraadka uu sameeyay dhexdexaadin ay baniaadannimo ku dheehan tahay.
Madaxweynaha Ukraine ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda la soo siidaayay 3,135 maxaabiis ah oo wadankaasi u dhashay.