Ruushka: ISIS oo sheegatay weerar lagu dilay in ka badan 60 qof

0
184

Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 145 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii rag hubeysan ay xalay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob bandhig faneed lagu soo bandhigayay oo ku taalla caasimadda Moscow ee dalka Ruushka.
Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka tan iyo sanadki 2004-tii, ayay dableyda weerarka gaysatay si aan kala sooc laheyn rasaas ugu fureen dadkii ku sugnaa hoolka bandhig faneedka lagu soo bandhigayay ee degmada Crocus oo inyar dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Moscow.
Muuqaallo goobta laga soo duubay ayaa muujinayay dad ku gabanaya kuraasta taalla hoolka iyo rag hubeysan oo rasaas furaya, dad isku dayaya in ay ka baxaan albaabada hoolka iyo kuwo aanan dhaqaaq lahayn oo dhex jiifa dhiigga.
Weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Aqalka looga arrimiyo ee Ruushka ee Kremilin ayaa sheegay, in warka ku saabsan weerarkan la gaarsiiyay madaxweynaha iyo madaxa ciidanka ammaanka ee Ruushka Alexander Bortnikov.
Weerarkan ayaa imanaya laba toddobaad ka dib markii ay safaaradda Maraykanka ee Ruushka ka digtay suurtagalnimada weerar ay Moscow ka gaystaan koox argagixiso ah.