Ruto:Wasiirrada waxaan ugu baaqaya inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo

0
355

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u hambalyeeyay xubnaha golaha wasiirrada ee maanta la dhaariyay.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero buuxda ku siiyo u adeegidda kenyaanka isagoo garab ka helaya ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in wasiirrada aynan u furnayn inay ku guul dareystaan shaqadooda.
Waxaa uu tilmaamay in xubnaha wasiirrada oo sida habboon uga soo baxo waxyaabaha laga doonayo ay guul u tahay maamulka talada haya.
Wasiirrada ayuu u sheegay in iyaga iyo dhammaan shaqaalaha dowladda uu uga fadhiyo inay ilaaliyaan oo ay ku dhaqmaan dastuurka wadanka oo uuna noqdo mid hagaya.
Sidoo kale wasiirrada ayuu xusuusiyay inay ku dhaarteen u adeegidda shacabka oo aynan dhaar ku marin u daneynta saaxiibadooda ama gobolladooda.
William Ruto ayaa cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu dhageysto talooyinka wasiirrada.