Ruto:Waa in aan daawooyinka ku sameynaa gudaha dalka

0
291

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xoogga saareysa sidii daawooyinka loogu soo saari lahaa gudaha wadanka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inay jirto fursad wayn oo la xiriirta maalgashiga noocani ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda dhexe ay qaadi doonto tallaabooyin Kenya looga dhigaya halbowlaha soo saaridda daawooyinka ee gobolka.
Tani ayuu tilmaamay inay fududeyn doonto in daryeelka caafimaad uu noqdo mid qiimo ahaan la awoodi karo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrin laga qoomamoodo ku sheegay in soo saaridda daawooyinka ee maxalliga ay tahay boqolkiiba 20.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay xilli uu shalay daahfuray xarunta CyberKnife ee isbitaalka Jaamacadda Kenyatta .
Waxaa uu sheegay in xaruntan ay tahay midda labaad ee nooceeda oo kale ah qaaradda Afrika marka laga soo tago dalka Masar.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in xarunta uu maanta daahfuray ay dib u habeyn ku sameyn doonto daaweynta cudurka kansarka ee dalka iyo si guud gobolka.
Madaxweynaha ayaa maamulka isbitaalka KUTRRH ku bogaadiyey tallaabada uu qaaday isagoo sheegay inay sii taageeri doonaan.
Sidoo kale waxaa uu William Ruto carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay gacan ka gaysan doonto in la dhameystiro isbitaalka carruurta gaar ahaan qaybta la tacaalidda kansarka ee uu hakadka ku yimid isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono isbitaalka haweenka oo leh qaybta daaweeynta kansarka naasaha saameeya.