Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa siyaasiyiinta doonaya in ay sanadka 2022-ka kula tartamaan xilka madaxweynenimo u soo jeediyay inay diiradda saaraan qorshaha ay u hayaan Kenyaanka oo ay ka gudbaan aflagaadada.
Ruto ayaa xilli uu hooygiisa xaafadda Karen kulan kula qaatay hoggaamiyaasha ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha dalka sheegay in Kenyaanka ay go’aamin doonaan cidda noqonaysa hoggaamiyaha xiga ee dalka.
Waxaa uu ku taliyay in xilliga lagu guda jiro ololaha doorashada la faahfaahiyo waxa garab kasta oo siyaasadeed uu ku soo kordhinaya horumarka wadanka.
Sidoo kale William Ruto ayaa beeniyay inuu laaluushay siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka bartamaha ee xulafada la ah.