Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in safarkii uu dhawaan ku tagay waddanka Shiinaha uunan ahayn mid ay ku codsanayaan in lacago dheeraad ah la daymiyo.
Waxaa uu xusay in dowladda Shiinaha uu kula soo heshiiyay dhisidda waddada isku xiraysa Rironi-Nakuru ilaa Malaba iyadoo aan amaah la isticmaalayn.
Madaxweyne Ruto ayaa caddeeyay in la adeegsan doono hannaanka maalgashiga ee mashaariicda.
Waxaa uu intaasi ku daray in la sii ballaarin doono marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka si la isugu xiro Naivasha iyo xadka ay Kenya la wadaagto waddanka dariska la ah ee Uganda.
Hoggaamiyaha dalka oo shacabka ugu baaqay midnimo ayaa dhanka kale ka hadlay qorshaha dowladda ee lagu dhimaya qaadashada deymaha shisheeye oo uu xusay in ay saameyn ku leeyihiin horumarka waddanka.
Dhanka kale, madaxweyne William Ruto ayaa ku taliyay in aan waqti xaadirkan lagu mashquulin siyaasadda doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu sheegay in qof kasta oo la soo doortay looga baahan yahay waxqabad.
Ruto ayaa xusay inuu ka gaabin doonin qaadashada go’aammada saxda ah xita haddii ay yihiin kuwo la dhibsado.
Waxaa uu ku celceliyay in si dalka uu barwaaqa u gaaro ay lagama maarmaan tahay in la qaato go’aammada saxda ah.