Ruto:Ma jiro qof laga cafinaya bixinta canshuurta

0
340

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay qasab ku tahay inay bixiyaan canshuurta oo uunan jirin qof laga cafin doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isaga uu dadweynaha ku hoggaamin doono canshuur bixinta sidaas awgeedna aan qof loogu daneynayn maqaamkiisa bulsho ama taageeradiisa siyaasadeed.
William Ruto waxaa uu sheegay in la rajeynayo in dakhliga laga helo uruurinta canshuuraha oo isku celcelis ahaan hadda ah 1.8 Tiriliyoon oo shilin uu gaaro ugu yaraan 3 Triliyoon.
Tani ayuu u aaneeyay in la daboolay dulduleelo jiray.
Arrintan ayuu ka sheegay shir heer sare ah oo ku saabsan Barnaamijka wax soo saarka dalka oo ka dhacay maqaaxida Serena ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu Ruto shirkadaha wax soo saaro ku boorriyay inay qiimo u yeelaan badeecooyinka ay u dhoofiyaan dalka dibadiisa.
Madaxweynaha wadanka ayaa intaasi ku daray in laga dhabeyn doono hiigsiga ah in sanadka 2030-ka , boqolkiiba 20 la kordhiyo kaalinta wax soo saarka ee kobaca dhaqaalaha dalka.