Ruto oo soo jeediyay in Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika la gaarsiiyo 1 bilyan oo doolar

0
97

Madaxweyne William Ruto ayaa soo bandhigay warbixintiisa ku saabsan dib u habeynta hay’adaha ee Midowga Afrika intii lagu jiray kalfadhigii 39-aad ee shirweynaha madaxda dowladaha iyo dowlad goboleedyada, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.
Warbixinta ayaa faahfaahinaysaa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo jawaabta Midowga Afrika ee arrimaha nabadda, amniga iyo maamulka, iyadoo la adeegsanayo ka hortag hore, iskaashi dhow iyo adeegsiga teknoolojiyadaha cusub.
Warbixinta ayaa ka dhalatay wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay guddiga kormeerka ee gaarka ah ee madaxda dowladaha, Guddiga Midowga Afrika, guddiga khubarada sare ee nabadda iyo amniga, iyo wakiilka sare ee maaliyadda ururka.
Warbixinta ayaa soo jeedinaysaa qorshe mideysan oo lagu hirgelinayo nidaamyada maamulka Afrika iyo nabadda iyo amniga si loo tirtiro kala go’a hay’adaha loona xoojiyo wada shaqeynta.
Sidoo kale, waxaa ay ku baaqaysaa in la sameeyo qaab taageero oo gaar ah gudaha Guddiga Midowga Afrika si loo joogteeyo shaqada guddiga odayaasha ee wada hadallada siyaasadeed iyo xalinta khilaafaadka.
Dhinaca maaliyadda, Ruto ayaa soo jeediyay wadatashiyo dheeraad ah oo lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah si loo helo heshiis guud oo ku saabsan maaliyadda istaraatiijiga ah. Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in la adeegsado kheyraadka gudaha Afrika iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda si loo taageero qorshayaasha horumarineed ee Ajandaha 2063.
Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in la tixgeliyo saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta dib u habeynta hay’adaha iyo xafiisyada Midowga Afrika si go’aan looga gaaro shirweynaha bisha Febraayo 2027.
Arrinta howlgelinta Maxkamadda Caddaaladda Afrika, Ruto ayaa xusay in go’aan hore uu farayay in la qiimeeyo saameynta sharci, qaab dhismeed iyo mid dhaqaale, isagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo hirgeliyo howlahaas, laguna soo gudbiyo warbixin Golaha Fulinta bisha bisha Luulyo ee sanadkan.
Si loo xoojiyo Baarlamaanka Afrika, Ruto ayaa soo jeediyay wacyigelin xooggan si dowladaha xubnaha ka ah u ansixiyaan heshiiskii Malabo ee 2014, kaas oo siinaya baarlamaanka awoodo sharci oo xaddidan.
Dowladaha xubnaha ka ah ayaa taageeray warbixinta, iyagoo ku ammaanay Ruto hoggaamintiisa iyo wadatashiyadii uu la yeeshay dhinacyada ay khuseyso.