Madaxweyne William Ruto ayaa u xaqiijiyey dalka in dhammaan dadka Kenyaanka ahaa ee la sheegay in la afduubtay ay si nabad ah ula midoobeen qoysaskooda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay maamulkiisa inuu ka hortago dadka la afduubanaayo.
Isagoo ka hadlayay Isniintii shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen asaga iyo madaxweynaha Finland Alexander Stubb oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya, ayaa madaxweyne Ruto waxaa uu ka jawaabay su’aalo ay saxafiyiintu weydiiyeen oo ku saabsaneed kiiskii afduubka ee dhowaan dhacay.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay qaaday tallaabo adag oo wax looga qabanayo xaaladdan, loogana hortagayo inay mar kale dhacaan.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dhammaan dadkii horay la sheegay in la waayay ay dib ula midoobeen qoysaskooda.
Si kastaba ha ahaatee, ma uusan shaacin cidda ka dambeysay afduubka.
Dib-u-habaynta uu Madaxweynaha xusay ee lagaga hortagayo dhacdooyinkan oo kale ayaa waxaa ka mid ah in Adeegga Booliiska Qaran oo la siiyo madax-bannaani dhaqaale iyo mid howleed, taas oo uu sheegay inay ka mid tahay waxqabadkiisii ugu horreeyey ee uu qabto markii uu xilka la wareegay.
Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo shacabka ay aad uga walaacsan yihiin kororka kiisaska dadka la la’yahay iyo dilalka sharci darada ah.
Sida lagu sheegay warbixin ay bishii May soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Missing Voices, ugu yaraan 55 kiis oo dad la wayay ayaa laga soo sheegay Kenya 2024-kii.
Warbixinta ayaa waxaa ay intaas ku dartay in intii u dhaxaysay 2019 iyo 2024, in ka badan 970 Kenyaan ah ay dhibanayaal u noqdeen waayitaanka qasabka ah ama dil sharci darro ah.